Golaha Wakiillada

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa Golaha ku soo dhaweeyay Suxufiyiin( Sawiro)

Garoowe, June 15, 2021: Agaasimaha Warfaafinta Golaha Wakiillada DPL Mudane, Abdiwali Gooni oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa Aqalka Wakiillada ku soo dhaweeyay Wariyeyaasha reer Puntland ee maanta loo soo xiray Habka Tebinta Wararka Baarlamaanka.

Tababarkaan oo ay qabtay Ururka Warbaahinta Puntland MAP, ayaa markii uu soo dhammaaday Weryiyeyaasha mid mid loo geeyay Xafiisyadda Golaha Wakiillada DPL.

Booqashada Weriyaasha ayaa waxaa ku wehlinayey Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta MAP Mudane, Maxamed Daahir Caynsane iyo Xoghayaha Guud ee MAP Nimco Muuse, Suxufiyiin rug cadaa ah Xassan Jidka & Burhan Axmed Daahir.

Weriyaasha ayaa muddo saddex cishe ah waxaa lagu tababaray habka tebinta Hawlaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, si ay u tebiyaan Warar la xiriira arrimaha Baarlamaanka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top