Garoowe: November 16,2022: Guddiga Arrimaha bulshada dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya wax-ka-badelka Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka ah ayaa maanta Aqalka Wakiillada kulan kula yeeshay Wasiirka Shaqada shaqaalaha dhalinyarada & ciyaaraha DPL.








Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey sababta keentay in xeerkan oo 2019-kii Golaha Wakiilladu ansixiyey in wax laga badelo, iyagoo sidoo kale ka dhageystay guud ahaan waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyey xeerkan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland