๐ฎ๐๐๐๐๐๐ 15: ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐, 2025: – Guddiga gaarka ah ee uu ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐ญ๐๐๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ u xil-saaray ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐๐๐๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐ต๐๐๐๐๐ ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay ๐๐ฎ๐ช๐๐๐ฌ๐ก๐ iyo ๐๐๐๐๐๐จ๐จ๐ง๐ง๐๐๐ Gobolka Nugaal. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey ๐ฟ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ฟ๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐, Guddoomiyaha ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐, ayaa ujeedkiisu ahaa xog-waraysi ku saabsan xaaladda Gobolka Nugaal, gaar ahaan Amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Cuqaasha iyo Nabadoonnada ayaa ka warbixiyey doorkooda ka shaqeynta horumarka iyo Nabagelyada, sidoo kale waxay warbixintooda diiradda ku saareen caqabadaha jira, waxyaabaha keenay Amnidarrada, iyagoo raaciyey talo-soojeedin la xiriirta Xoojinta Amniga caasimadda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dilalka ku soo badanaya degmada Garoowe.
Dhinaca kale, Guddiga gaar ah ee xildhibaannada Golaha Wakiillada waxay nabadoonnada kula dardaarmeen ka qayb-qaadashada doorkooda abaabulka wacyigelinta bulshada iyo la shaqeynta hayโadaha Amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.
Ugu dambayn, xildhibaanada ayaa ku amaanay Cuqaasha iyo Nabadoonnada kaalinta ay ku leeyihiin nabadaynta beelaha iyo Ka shaqeynta Xasiloonida iyo horumarka Deegannada Puntland, tasoo ah tallaabo Wanaagsan oo mudan in la joogteeyo.



