Garoowe, Luuliyo 25, 2024: Waxaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo xirmay Aqoon-is-waydaarsi mudo 2-maalin ah u socday Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay bixinayeen khuburo ka socotay hay’adda Max Planck.
Aqoon-is-waydaarsigan maanta ayaa ku aadanaa Xiriirka amniga ee Nidaamka Federaalka, waxaana Xildhibaannadu ay ku soo bandhigeen aragtiyo, falanqeyn iyo doodo la xiriira doorka Xilhibaanka ee Korjoogteynta iyo wadashaqeynta Nidaamka Federaalka ah ee dhanka amaanka.
Tan iyo markii la doortay Guddoonka Baarlamaanka 6-aad bishii 1-aad ee sanadkan waxaa sare u kacay aqoon kororsiyada iyo tababarada Mudaneyaasha iyo Guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaas oo ka qabsoomay Gudaha dalka iyo dibadaba, si kor loogu qaado fahamka Xildhibaannada ee ku saabsan shaqooyinka Dastuuriga ah oo ay u xilsaaran yihiin.
-DHAMMAAD-