Golaha Wakiillada

Guddiyada

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, April 28, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa warbixin ka siiyey guddiga joogtada ah safar uu ku tagey magaalada Nairobi, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera Baarlamaannada Kulamadaas oo ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad. Intaas kadib, madax-gudiyeedyada Golaha Wakiillada ayaa looga dhegeystey warbixinno ku saabsan waxqabadyada guddiyada ee la xiriira Bulshadda, Xuquuqada Aadanaha, Arrimaha Deegaanka, Nabadeynta, Amniga, Caddaaladda, dhaqaalaha iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan. Intii kulanku uu socdey waxaa lagu soo bandhigay xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan kuwasoo u bahaan in la dhammaystiro ka hor fadhiga bisha Juun, 2025, iyadoo latashi lagala samaynayo daneeyayasha kala duwan ee xeerarka, waxayna ka yihiin 1. Hindise-Xeereedka Maamulka Dakhliga Dawladda Puntland. 2. Hindise-Xeereedka Bangiga Dawladda iyo Hay’adaha Maaliyadda Puntland. 3. Wax-ka-baddelka xeerka Tayo dhawrka Badeecadaha. 4. Wax-ka-baddelka Xeerka Xabsiyada Puntland. 5. Wax-ka-baddelka Xeerka Hab-maamuuska Dawladda Puntland. Dhinaca kale, waxaa guddiga joogtada ah lala wadaagay xeerarka goluhu go’aamiyey in wax-ka-baddel lagu sameeyo ee loo gudbiyey hay’adaha ay khuseeyaan, kuwasoo u baahan in guddiyadu dabagal ku sameeyaan, meesha ay marayaan iyo shaqada laga qabtey. Ugu dambayn, waxaa guddigu ka doodey go’aanna ka gaarey qorshaha kormeerka gobollada iyo degmooyinka Puntland iyo u diyaargarowga kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada iyo sidii guddiyadu ay doorkooda uga qaadan lahaaweeyn. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Read More »

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Boosaaso, February 21, 2025 – Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso, ayaa kormeer ku tagay Dekadda Boosaaso si ay ugu kuur-galaan habsami u socodka shaqooyinka ka socda. Intii uu socday kormeerka, Guddigu waxa ay warbixinno ka dhageysteen Maareeyaha Dekadda, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda, iyo saraakiisha amniga. Waxay si gaar ah diiradda u saareen qaabka dakhliga loo ururiyo, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee la xiriira dekadda. Guddiga ayaa masuuliyiinta su’aalo ka weydiiyey arrimahaas, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dakhliga dekadda loo aruuriyo si hufan oo waafaqsan nidaamka maamul wanaagga. Kormeerkan shaqo ayaa qeyb ka ah waajibaadka Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland, sida uu farayo Qodobka 64aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Read More »

Fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Janaayo 27, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo looga hadlay amniga guud ee Puntland, hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, iyo qodobo kale oo muhiim ah. Ugu horreyn, Guddiga ayaa boggaadiyey Ciidanka naftood hurayaasha ah ee Puntland ee ku mideysan hawlgalka Hillaac ee ka socda Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari, waxayna ciidamada ugu hambalyeeyeen guulaha isdaba-joogga ah iyo sida ay ugu guuleysteen argagixisadii ku dhuumaalaysanaysay Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Guddiga ayaa eebbe uga baryay in uu janadiisa geeyo dhammaan shuhadada ku shahiiday intii lagu jiray hawlgalkan, iyagoo u dagaalamayey difaaca dalka, dadka, iyo diinta, waxaana sidoo kale ay u rajaynayaan in Eebbe ku boggsiiya dhammaan kuwa ku dhaawacmay hawlgalkan. Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyey doorka ay shacabka Puntland qeybaha kala duwan uga muujiyeen taageerada ay u muujinayaan ciidamada geesiyaasha ah ee ku jira hawlgalkan, waxayna ku booriyey in shacabka iyo Qurba-joogta ay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka, muwaadin kastaana uu ka qeybqaato hawlgalkan isagoo ku taageeraya awoodiisa, sida xoog, xoolo, xeelad, iyo xog. Dhinaca kale, Guddiga ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolka Mudug, iyagoo ugu baaqay in colaadda la joojiyo, isla markaana lagu bedelo, nabad, walaalnimo iyo daris wanaag. Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale soo jeediyey in la mideeyo dedaallada nabadeed ee socda iyo in la fuliyo heshiisyadii hore ee la galay, si xal waara looga gaaro colaaddan muddada dheer socota. Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah u diray baaq ku saabsan in si degdeg ah taageero loo gaarsiiyo shacabka ay si gardarro ah uga soo barakiciyey Maamulka Soomaaliland degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada. Read More »

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA.

Garoowe, December 31, 2024 – Kulanka Isku-Duwidda ee La Xiriira Ka-Qaybgalka Baarlamaanka ee Dhaqdhaqaaqa Kor u Qaadista Nafaqada Puntland (SUN) ayaa maanta ka dhacay aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada, waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada. Shirku wuxuu xooga saaray doorka muhiimka ah ee Golaha Wakiillada ee dejinta siyaasadaha iyo sharciyada ka turjumaya baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira nafaqada iyo wax-soosaarka. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo horumar waara. Guddoomiyaha Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Xildhibaan Axmed Bille Siciid, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha iyo yareynta nafaqo-darrada. Waxay sidoo kale sheegeen in Golaha Wakiillada uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira arrimahan. Ugu dambeyn, xubnaha guddiyada Golaha Wakiillada ayaa ballanqaaday inay taageeri doonaan dadaallada iyo juhdiga lagu horumarinayo nafaqada iyo wax-soosaarka gudaha, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sameynta sharciyo taageeraya horumarkan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

SHIR LOOGA HADLAY NAFAQADA IYO WAX-SOOSAARKA OO KA QABSOOMAY GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha.

Garoowe, Diseembar 05, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha. Fadhigan ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nidaamka Federaalka iyo tallaabadii sharci-darrada ahayd ee loo bedelay Dastuurkii 2012 ee heshiiska lagu ahaa. Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay Dastuurkii lagu heshiiyay, iyagoo tilmaamay in wax-ka-beddel lagu sameeyay si sharci-darro ah. Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Dastuurka 2012, isagoo sheegay in wax-ka-beddel aan loo dhammayn uu keeni karo khilaaf iyo kala qeybsanaan. Goluhu waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan ay dhaawici karaan nidaamka lagu heshiiyay. Si loo helo xal waara, Golaha Wakiillada ayaa go’aamiyay in doodda in talo soo jeedinta ku saabsan arrintan loo xil saaro Guddiga gaar ah oo ka soo talo bixiya arrimaha Federaalka dalka Soomaaliya, go’aanna ku soo celiya Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. -DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha. Read More »

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, December 02, 2024: Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa caawa si rasmi ah u furay kulan muhiim ah oo ay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland la yeesheen ururada bulshada rayidka ah ee ka hawlgala Puntland. Kulankan, oo ka dhacay Hotel Martisoor, ayaa si qoto dheer looga hadlay miisaaniyadda sannadka 2025 iyo sida loogu wajihi karo baahiyaha bulshada ee muhiimka ah. Guddoomiye ku xigeenka, 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, oo ka hadlay kulanka, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in miisaaniyadda cusub ee 2025 ay si buuxda uga turjumeyso baahiyaha shacabka Puntland, iyadoo la tixgelinayo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka bulshada. Waxa uu sidoo kale xusay in miisaaniyadda loo baahan yahay inay noqoto mid waafaqsan qorshayaasha horumarineed ee dalka, iyadoo si hufan loo maamulayo khayraadka iyo agabka Dawladda. Intii uu socday kulanka, Guddiga iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si wadajir ah uga dooddayn sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo in miisaaniyadda loo qorsheeyo si ay uga jawaabto duruufaha gaarka ah ee bulshada, iyadoo la dhisayo nidaam maaliyadeed oo hufan oo waxtar leh. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la tixgeliyo talooyinka ururada bulshada si loo helo miisaaniyad waafaqsan baahiyaha shacabka. Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallo hore oo ay Guddigu ku sameeyeen kulammo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo laga dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sida loo horumarin karo adeegyada bulshada iyo xoojinta maamul-wanaagga. Waxaa la rajeynayaa in kulamadan ay ka qayb qaataan dhisidda miisaaniyad waxtar leh oo ka turjumaysa rabitaanka iyo baahiyaha shacabka Puntland. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Garoowe, Oktoobar 28, 2024 – Xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha muhiimka ah ee Puntland, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Caafimaadka, iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray horumarka, caqabadaha, iyo adeegyada muhiimka ah ee wasaaraduhu bulshada u qabtaan, si loo xaqiijiyo tayada iyo waxtarka hay’adaha dowladda. Korjoogtayntan oo qayb ka ah dadaallada Baarlamaanka Puntland iyo Federaalka ee ku wajahan la socodka hirgelinta adeegyada bulshada ayaa ku qotontay sidii loo xoojin lahaa isku-xirka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Korjoogtaynta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa xubnaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda waxbarashada Puntland, iyaga oo si gaar ah u sharaxay dedaallada waxbarasho ee lagu hagaajinayo tayada waxbarashada iyo helitaanka waxbarasho oo loo siman yahay. Qodobada muhiimka ah ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa kobcinta tayada macallimiinta iyo manhajka waxbarashada, si heer caalami ah loo gaaro. Xubnaha Baarlamaanka ayaa soo dhoweeyey dadaalladan, iyaga oo ku booriyey wasaaradda in ay xooga saarto sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho oo tayo leh oo ka faa’iidayaan dhammaan ardayda Puntland. Sidoo kale, barnaamijyo waxbarasho gaar ah ayaa lagu taageerayaa dhallinyarada iyo haweenka, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, si loo abuuro dhallinyaro xirfad leh oo hogaamin kara horumarka dalka. Tani waxay qayb ka tahay dedaallada lagu dardar gelinayo waxbarashada sare iyo in loo fududeeyo helitaanka waxbarasho tayo leh. Korjoogtaynta Wasaaradda Caafimaadka Xubnaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale kormeeray Wasaaradda Caafimaadka, halkaas oo ay mas’uuliyiinta wasaaraddu ku soo bandhigeen xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka iyo qorsheyaasha lagu kobcinayo daryeelka caafimaad ee dadweynaha. Waxay diiradda saareen sidii loo horumarin lahaa adeegyada hooyada iyo dhallaanka, iyaga oo xarumo caafimaad cusub ka furay deegaanada fog si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee dadka aan heli karin adeegyada ku yaal magaalooyinka waaweyn. Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sidoo kale la wadaagay xubnaha Baarlamaanka qorshayaal ka dhan ah cudurrada faafa, iyaga oo ku baraarujiyay muhiimadda tallaalka iyo wacyigelinta bulshada. Xubnaha Baarlamaanka ayaa kula taliyey wasaaradda in ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah iyo in xirfadlayaasha caafimaadka gudaha ay gacan ka geystaan sidii loo gaari lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh. Korjoogtaynta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Mas’uuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa xubnaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan hawlaha ay wasaaraddu ka qabatay arrimaha qoyska, xoojinta xuquuqda haweenka, iyo taageerada loo fidiyo qoysaska nugul. Waxyaabaha muhiimka ah ee laga hadlay waxaa ka mid ah xoojinta kaalinta haweenka ee bulshada iyo dhaqaalaha, iyada oo wasaaraddu fulineyso barnaamijyo kor loogu qaadayo heerka xirfadaha haweenka si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka. Xubnaha Baarlamaanka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabadan, iyaga oo ku dhiirigeliyey wasaaradda in ay sii waddo dadaalladaas. Sidoo kale, wasaaraddu waxay tilmaantay in ay ka shaqeyneyso barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska danyarta ah iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa xuquuqda haweenka iyo caruurta, iyada oo la dadajinayo arrimaha la xiriira taageerada bulshada. Xubnaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay in wasaaraddu xoojiso kaalmada ay bixiso, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah. Gabagabada Kormeerka maanta Kormeerka ayaa si weyn loogu boggaadiyey dedaallada wasaaradaha ee la xiriira horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo arrimaha haweenka iyo qoyska. Xubnaha Baarlamaanka Puntland iyo kuwa Federaalka ayaa ku adkeeyey wasaaradaha in ay sii xoojiyaan shaqooyinka muhiimka ah ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Waxa ay ballanqaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta, si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Read More »

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, October 22, 2024: Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), xafiiska Puntland ee Garoowe. Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa korjoogteynta shaqooyinka muhiimka ah ee laanta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in adeegyada socdaalka iyo jinsiyadaha ay u socdaan si waafaqsan shuruucda dalka, ayna daboolayaan baahiyaha shacabka. Guddiga ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha xafiiska, waxayna ka dhegaysteen warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan shaqada socota, horumarka la sameeyay, iyo caqabadaha jira. Guddigu wuxuu si gaar ah u dar-daarmay shaqaalaha xafiiska in ay sii xoojiyaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada laanta ay noqdaan kuwo hufan oo la jaanqaadaya shuruucda iyo hab-raacyada loo dejiyey. Maamulka iyo shaqaalaha laanta ayaa dhinacooda soo bandhigay waxqabadkooda, iyagoo si buuxda ula wadaagay Guddiga warbixinnadii ay diyaariyeen. Intii ay kormeerka ku jireen, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay mas’uuliyiinta laanta shaqooyinka ay qabtaan iyo hannaanka wada shaqeynta ee hay’adaha kale ee Dawladda. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada shaqeynta u dhaxeysa Laanta Socdaalka iyo JinsiyadahaJFS iyo Dawladda Puntland, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka. Kormeerka Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo tayada adeegyada muhiimka ah ee Dawladda iyo in laanta ay si hagar la’aan ah ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Garoowe, Oktoobar 16, 2024 – Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada ee Puntland, gaar ahaan tacliinta sare iyo dugsiyada hoose iyo dhexe. Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa warbixinno ka bixiyay heerarka waxbarashada, caqabadaha taagan, iyo qorshayaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka jira. Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada iyo sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha muhiimka ah ee dugsiyada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland oo maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhiga Bari iyo Saldhiga Galbeed ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Garoowe, Oktoobar 16, 2024 – Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhiga Bari iyo Saldhiga Galbeed ee caasimadda Puntland ee Garoowe. Xildhibaan ayaa warbixin ka dhageystey mas’uuliyiinta saldhigyadda, iyagoo la wadaagey xaaladda Ciidanka, maxaabiista iyo doorka Booliska suggidda Amniga magaaladda iyo caqabaha jira. Sidoo kale, xildhibaannada ayaa warastey maxaabiista ku xirnan saldhigyada si ay ula socdaan xaaladooda. Guddigu waxay ku booriyeen Taliyaja Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan suggida Amniga iyo bixinta adeegyada Booliska ee bulshada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland oo maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhiga Bari iyo Saldhiga Galbeed ee caasimadda Puntland ee Garoowe. Read More »

Scroll to Top