Golaha Wakiillada

Kala fadhiyada

Fadhiga23-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakillada

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ– ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mohamed Mahamud Esse – Awoowe, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ‘-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa Ka doodista Arrimaha Tahriibta iyo dhibaatada daroogada. Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday saameynta taban ee tahriibka iyo isticmaalka maandooriyaha, iyagoo muujiyey baahida loo qabo qorshayaal lagu xakameeyo arrimahan halista ah. Intaas ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u xilsaaray guddi gaar ah oo ka kooban Guddiyada Golaha, si ay uga soo talo bixiyaan arrimahan, uguna soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin wax-ku-ool ah ugu soo gudbiyaan Guddiga joogta ee Golaha. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland. DHAMMAAD

Fadhiga23-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakillada Read More ยป

Ansixinta degmooyinka Ceel-buh iyo Baraagaha-Qol

Garoowe, 4 December 2025 โ€“ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ-๐›๐ฎ๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐š๐ ๐š๐ก๐š-๐๐จ๐ฅ,Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 Mudane, cid diiday ma jirto, halka ay aysan jirin cid ka aamustay ma jirto. Degmooyinkaas oo ku kala yaalla gobollada Sanaag iyo Haylaan. Ansixintan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee ku aaddan ballaarinta adeegyada dowladda hoose iyo xoojinta maamulka iyo adeeg bixinta ee gobolladaas.

Ansixinta degmooyinka Ceel-buh iyo Baraagaha-Qol Read More ยป

Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 57-aad

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ’ ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shireiyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Ka Shaqaynta Miisaaniyad Sanadeedka 2026. Ugu horayn,๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐๐ค๐š ee Golaha Wakiillada ayaa Warbixintooda la wadaagay Golaha. Intaas kadib,Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga ๐๐จ๐จ๐๐ay Qabyo qoraalka Miisaaniyada Sanad maaiyeedka 2026. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Qabyo qoraalka Miisaaniyada Sanad maaiyeedka 2026 Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 Mudane, waxa diiday 1 Mudane, halka ay ka aamuseen 1 Mudane. DHAMMAAD

Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 57-aad Read More ยป

Fadhiga 18-aad ee kalfadhiga 57-aad

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ— ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Xasaannadsiinta masuuliyiinta u baahan xasaannadda Golaha Wakiillada. Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowlada Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh Xasaanada ku siiyey Mudane ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž ๐€๐š๐๐ž๐ง oo ka mid noqonaya Guddiga Doorashada Puntland (PEC) kaas oo uu dhowaan magacaabay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland,Waxaana dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxmadda Sare ee DPL.

Fadhiga 18-aad ee kalfadhiga 57-aad Read More ยป

Fadhiga 17-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ• ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ•-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ž ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐š๐ฒ’๐š๐๐๐š ๐“๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ Ugu horayn, Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ๐๐จ๐จ๐๐๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š hindise xeereedka. Intaas kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐š๐ฒ’๐š๐๐๐š ๐“๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ Waxaa Oggol ugu codeeyay 29 Mudane, waxa diiday 2 Mudane, halka ay ka aamuseen 4 Mudane. DHAMMAAD

Fadhiga 17-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Read More ยป

Hindise Xeereedka Dhawrista Tayada Puntland

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ž ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐“๐š๐ฒ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Ugu horayn ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐, ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š, ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ayaa Golaha u soo jeediyay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan Hindise- xeereedka. Intaas kadib, Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ๐๐จ๐จ๐๐๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š hindise xeereedka, iyadoo la qorsheeyay in dooddu ay sii socoto fadhiyada dambe. DHAMMAAD

Hindise Xeereedka Dhawrista Tayada Puntland Read More ยป

Fadhiga 14-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, 20 ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ4-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Xildhibannada Golaha Wakiillada waxaa warbixin la wadaagay Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo gacanta ku haya Hindise-xeereedka dhawridda Tayada, iyagoo faah-faahin ka bixiyey ujeeddada Hindisahan iyo geedi socodsiika. Guddiga hawlaha guud iyagoo ka duulaya goโ€™aankii Golaha Wakiillada Kalfadhiga 54-aad iyo cabashada shacabka waxay sameeyaan u kuurgelidda baahida jirta iyo sidii xal loogu helihaaa, waxayna diyaariyieen, waxayna soo diyaariiyeen hindisaha dhawridda Tayada oo Golaha loo qeybiyey fadhigii hore. Intaas kadib, xildhibaannada su’aalo ka weydiiyey guddiga Ujeeddooyinka Hindise Xeereedkan, habraaca Xeer-dejinta iyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland. Ugu dambayn, dood iyo falaqeyn dheer kadib, Hindise Xeereedka ayaa lagu wareejiyey guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqalaaha si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad islamarkaana latashi kala sameeyaan daneeyayaasha Hindise Xeereedkan,waxayna Golaha dib ugu soo celinayaa Maalinta Isniinta oo ku beegan 24.11.20225 haddii Alle idmo.

Fadhiga 14-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada. Read More ยป

Fadhiga 13-aad ee kalfadhiga 57-aad ee golaha wakiillada Puntland.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, 18 ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š 13-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa sii wadista ka shaqaynta Xeerka Xabsiyada Puntland. Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ๐๐จ๐จ๐๐๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š Xeerkan. Intaas ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerka Xabsiyada Puntland waxaa Oggol ugu codeeyay 42 mudane, waxaa diiday 0 Mudane, halka ay ka aamuseen 4 Mudane. Ugu dambayn, Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga aiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saabsan Qabyo qoraalka Hindise Xeereedka Dhawridda Tayada Puntland oo goluhu curiyey, kadib hindise xeereedka ayaa loo qeybiyey Golaha si ay ugu sameeyaan akhrin 1-aad, waxaana la isugu soo noqonaynaa khamiista 20/11/2025. -DHAMMAAD-

Fadhiga 13-aad ee kalfadhiga 57-aad ee golaha wakiillada Puntland. Read More ยป

Fadhiga 11-aad ee kalfadhiga 57-aad wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ” ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐d๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐—๐š๐›๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Intaas kadib, Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ๐๐จ๐จ๐๐๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š hindise xeereedka, iyadoo la qorsheeyay in dooddu ay sii socoto fadhiyada dambe. DHAMMAAD

Fadhiga 11-aad ee kalfadhiga 57-aad wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland. Read More ยป

Fadhiga 9-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha wakiillada

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, 8 ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ—-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐—๐š๐›๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Fadhiga maanta waxaa Golaha hortagay masโ€™uuliyiinta ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š, iyo ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ee Dowladda Puntland. Ugu horrayn, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa Golaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-bedelka xeerka u jeedisay Xildhibaanada taasoo si qoto dheer u dul istaagtay waafaqsanaanta xeerka ee sharciyada dalka iyo Dastuurka dalka. Intaas ka dib, Xildhibaannada Golaha ayaa suโ€™aalo ka weydiiyay Wasaaradda iyo Taliska Asluubta arrimo la xiriira xeerkan. Ugu dambayn, waxaa lagu wareejiyay ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐๐š, ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š, ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ee Golaha Wakiillada, si ay u dhammaystiraan akhrinta, dib u eegis ku sameeyaan xeerka si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Wakillada. DHAMMAAD

Fadhiga 9-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha wakiillada Read More ยป

Scroll to Top