Golaha Wakiillada

Kala fadhiyada

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Dhegeysiga warbixinada Gudiyada.

Garoowe: June 17, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiyaha ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire & ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑺𝒉𝒖𝒓𝒖𝒖𝒄𝒅𝒂 𝑪𝒂𝒅𝒅𝒂𝒂𝒍𝒂𝒅𝒅𝒂, 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑫𝒊𝒊𝒏𝒕𝒂 & 𝑫𝒂𝒔𝒕𝒖𝒖𝒓𝒌𝒂. 2) 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑮𝒖𝒅𝒂𝒉𝒂 𝑭𝒆𝒅𝒆𝒓𝒂𝒂𝒍𝒌𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑫𝒊𝒎𝒖𝒒𝒓𝒂𝒂𝒅𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 3) 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑨𝒏𝒔𝒉𝒂𝒙𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑮𝒐𝒍𝒂𝒉𝒂. 4) 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒊𝒈𝒂 𝑿𝒖𝒒𝒖𝒖𝒒𝒖𝒍 𝑰𝒏𝒔𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂, 𝑯𝒂𝒘𝒆𝒆𝒏𝒌𝒂 & 𝑨𝒓𝒓𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑸𝒐𝒚𝒔𝒌𝒂 Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Dhegeysiga warbixinada Gudiyada. Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kal fadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: June 16, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1aad iyo ku-xigeenka 2aad ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kal-fadhiga 56aad Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah Kal-fadhiga 56-aad ee Goluhu ku shaqeyn doono, muddada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadku, kaasoo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan maalinta berri ah (17.06.2025). DHAMMAAD – Wixii faah-faahin ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 2-aad ee Kal fadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL. Read More »

Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,Munaasabadda furitaanka.

Garoowe, 15 June 2025 – Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Garoowe Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, Diblumaasiyiin, hay’ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo horumarinta awoodda xafiisyada Golaha. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa Dastuuriga ah ku furay si rasmi ah Kal-fadhiga 56-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. DHAMMAAD –

Kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,Munaasabadda furitaanka. Read More »

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha wakiillada Dawlada puntland.

Garoowe, April 03, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta oo ka qabsoomay hoolka shirarka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ee magaalada Garoowe, waxaa ugu horeyn looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno taabanaya xaaladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada ee Puntland, dabagalka iyo fulinta go’aannadii goluhu meel mariyey kalfadhigii 55-aad looga dhegeystay madax-guddiyeedyada Guddiga Joogtada ah. Intii lagu guda jirey kulanka waxaa warbixin looga dhegeystay guddiga gaarka ah ee Guddoonka Golaha Wakiilladu u xil-saaray qeyb ka noqoshada xal u helidda shaqaaqadii ka dhacay Dureera ee Gobolka Sanaag, iyadoo warbixintooda diirradda ku saaray wixii u qabsoomay muddaddii ay ku sugnaayeen deegaanka Damalaxagare iyo Shimbiraale, iyagoo kulamo la qaatay Isimada dhaqanka, Nabadoonnada, waxgaradka, qeybaha bulshada iyo ciidanka Amniga sugaya ee deegaanka ku sugan. Guddiga gaarka ah ayaa xubnaha guddiga joogtada ah la wadaagey baahiyaha ka jira deegaankaas iyo sidii wax looga qaban lahaa. Guddiga Joogtada ah ayaa baaq ka direy wax ka qabashada abaaraha, taasoo si weyn u saameeyay dad iyo duunyaba, maadaama xilli roobaadkii uusan weli di’in. Guddigu waxay ugu baaqeen hay’adaha dowliga ah ee ay khusayso iyo hay’adaha samafalka in ay doorkooda ka qaataan wax ka qabashada arrintan, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaaraha isla markaana loo gargaaro dadka ay saameeyeen. Dhinaca kale, si loo dar-dargeliyo shaqada Golaha Wakiillada, waxaa fadhiga lagu soo bandhigey qorshayaasha hortabinta leh ee guddiyada goluhu ka shaqeyn doonaan, kaasoo la xiriira dhammaystirka xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan. Ugu dambeyntii, waxay Guddiga Joogtada ahi baaq nabadeed ka direen colaadda ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah, guddigu waxay ugu baaqayaan Isimida Dhaqanka, Cullimada, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hay’adaha dawladdda in ay dawrkooda ka qaataan sidii xal waara looga gaarilahaa colaaddan soo noq-noqatay. –DHAMMAAD — Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha wakiillada Dawlada puntland. Read More »

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

Garowe, Nofeembar 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb-galay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, kuwaas oo su’aalo kala duwan looga weydiiyey xaaladda guud ee garsoorka Puntland. Arrimaha si gaar ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ah hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka, iyo dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda. Ugu horreyn, waxaa hadal kooban Golaha ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland, Mudane Xassan Yuusuf Nuur, oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee maxkamadaha iyo garsoorka Puntland ee xaqiijinta cadaaladda. Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda iyo horumarka adeegyada garsoorka ee Puntland, iyagoo sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas. Xogta la soo bandhigay waxay muujineysaa in sannadkan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ka shaqeeyey 5,085 dacwo. Sidoo kale, Guddiga ayaa iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas iyo fulinta go’aamada ay Maxkamadu soo saartay iyo sare u qaadista adeegga garsoorka si loo gaarsiiyo deegaanada aan weli laga hirgelin maxkamado iyo hannaanka horumarinta Garsoorka Puntland iyo sidii caqabadaha looga gudbi lahaa. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday caqabadaha haysta garsoorka, iyaga oo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeeg caddaaladeed oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa ku booriyey wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha sharci-dejinta iyo garsoorka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntan ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta caddaalad loo siman yahay oo hufan. Golaha Wakiillada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan la xisaabtanka iyo dhiirrigelinta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in Puntland ay hesho nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA. Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA PUNTLAND

Garowe, Nofeembar 24, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland. Intii uu socday fadhigu, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Mudane, Shaakir Maxamed Guulleed, Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, iyo saraakiisha kale, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka laga sameeyay adeegyada dekedaha, iyo caqabadaha haysta hawlgalka wasaaradda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in fadhigan uu qayb ka yahay nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha Dawladda, si loo hubiyo in waajibaadka ay u xilsaaran tahay, qorshayaasha iyo baahiyaha iyo caqabadaha jira sidii wax looga qaban karo. Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sharaxaad ka bixiyey dadaallada joogtada ah ee wasaaradda, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegsiga dekedaha Puntland, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha gaadiidka badda. Waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxda wasaaradda arrimaha la xiriira waxqabadka iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Golaha ayaa ku bogaadiyey wasaaradda horumarka la gaaray, iyadoo loo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha mustaqbalka. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LA XISAABTANKA WASAARADDA DEKEDAHA IYO GAADIIDKA BADDA DAWLADDA PUNTLAND Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA DUULISTA HAWADA IYO GAROOMADA EE DAWLADDA PUNTLAND.

Garowe, Nofeembar 24, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland. Ugu horay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Cabdullaahi Bille Nuur, oo ay wehliyeen Wasiiru Dawlaha iyo Agaasimaha Guud, iyo Saraakiisha Wasaaradda ayaa Golaha u soo gudbiyey warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka la gaaray, iyo caqabadaha ku hor gudban hawlgalka wasaaradda. Fadhiga ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta waxqabadka wasaaradda iyo in la fahmo caqabadaha haysta fulinta waajibaadka dowladda, iyadoo lagu saleynayo nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha dowladda. Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay soo bandhigeen horumarada la sameeyay, oo ay ka mid yihiin shaqada joogtada ah ee garoomada Puntland iyo adeegyada duulimaadyada caalamiga ah ee sii kobcaya, gaar ahaan garoomada Boosaaso iyo Garoowe. Waxa kale oo lagu xusay duruufaha saameeya hawlgallada iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo kaabayaasha duulista hawada. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada waxay maamushaa dhammaan siyaasadaha iyo horumarinta garoomada Puntland, kuwaas oo isku jira garoomo caalamiya iyo kuwo yaryar, iyagoo dhammaan arrimaha khuseeya duulimaadyada rayidka ee Dowladda Puntland hoos yimaadaan. Intii uu socday fadhiga, xildhibaannada ayaa weydiiyay su’aalo ku saabsan lacagaha Ticketka ee dadka laga qaado, horumarinta Garoomada, Maareynta kharashaadka laga qaado dadka isticmaala Airporada, heshiiyadda lala galay shirkadaha Ajenbiga ah, tayada iyo badbaadada duulimaadyada, iyo wada shaqeynta wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee duulista hawada. Kulanka ayaa si weyn diiradda u saaray dardargelinta isla xisaabtanka iyo xaqiijinta in adeegyada dowladda loo qabto bulshada si hufan oo waxtar leh. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

LA XISAABTANKA WASAARADDA DUULISTA HAWADA IYO GAROOMADA EE DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA PUNTLAND.

Garowe, Nofeembar 23, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray la xisaabtanka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay wehliyaan Wasiiru-dawlaha, Ku-simaha Agaasimaha Guud, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda, ayaa Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira. Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in dhammaan Gobollada ay si rasmi ah ugu yaalaan in ka badan 422 Xarumood oo caafimaad. Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer u weydiiyey Wasaaradda su’aalo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: heerka fulinta qorshayaashii caafimaadka ee lagu ballanqaaday, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka fog, tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka Puntland. Sidoo kale, waxay wax ka weydiiyeen xaaladda isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku yaalla deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn; miisaaniyadda iyo maareynta kharashaadka caafimaadka iyo sida loo hubiyo inay si hufan u adeegaan baahiyaha bulshada; iyo heerka wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Puntland. Kulanka waxaa lagu soo jeediyey talooyin muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo tayo leh deegaannada fogfog iyo kuwa nugul. Golaha Wakiillada ayaa ku adkeeyey Wasaaradda Caafimaadka inay dardargeliso dadaallada ku aaddan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana ay xoogga saarto isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka. Fadhiga ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xaqiijinayo Dawlad wanaag iyo dabagalka waxqabadka hay’adaha Dawladda, kaas oo ku xusan qodobka 6aad ee Ajanadaha Kalfadhiga. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LA XISAABTANKA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA PUNTLAND. Read More »

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Garowe, Nofeembar 19, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Kulankan, oo muhiimad gaar ah lahaa, waxaa warbixin ku saabsan waxqabadka, guulaha, iyo caqabadaha horumarineed soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamuud Maxamed Cumar (Daa’ud), oo ay weheliyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha wasaaradda sida mashaariicda iyo qorsheyaasha soo socda . Xubnaha Golaha Wakiillada ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka, iyagoo diiradda saaray caqabadaha iyo saamaynta mashruucyada la fuliyay. Fadhiga ayaa ku dhammaaday si guul ah, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda sii wadista dadaallada horumarineed. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

LA XISAABTANKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND

Garowe, Nofeembar 18, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa lagu falanqeeyey la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, iyadoo uu shirku ku salaysnaa qodobka 64-aad, farqaddiisa 17-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo awood siinaya Golaha in ay kormeeraan Golaha Xukuumadda. Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa Golaha hor keenay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan maamulka dhaqaalaha Dawladda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay arrimaha dhakhliga, kharashaadka, xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, qoondada caasimadda Garowe, lacagta horumarinta waxbarashada, canshuuraha, iyo ganaaxyada. Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudnaan gaar ah siisay dayactirka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo buundooyinka, taas oo qayb weyn ka qaadatay fududeynta isu socodka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu tilmaamay in mashruucyadani ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarinta deegaannada iyo isku xirka gobollada Puntland. Xildhibaannada ayaa Wasaaradda wax ka weydiiyay arrimaha xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, ciidamada Dawladda, xuquuqda shaqaalaha, maalgelinta adeegyada bulshada, iyo hirgelinta qorshayaal lagu xoojinayo hufnaanta maamulka maaliyadeed. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay xooga saartay dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo kor u qaadidda maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, iyo kalluumaysiga. Wasiirku wuxuu sheegay in la hirgeliyay nidaamyo taageeraya ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, si loo dhiirrigeliyo shaqo abuurka, loona yareeyo ku-tiirsanaanta kaalmada dibadda. Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa doodo iyo su’aalo ku saabsan warbixinta Wasiirka ku iftiimiyey muhiimadda ay leedahay joogteynta horumarka dhaqaalaha, xoojinta nidaamka dakhliga gudaha, iyo yareynta kharashaadka aan muhiimka ahayn. Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulanka ku soo gabagabeeyey talooyin ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamyada maaliyadeed ee Dawladda Puntland, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LA XISAABTANKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND Read More »

Scroll to Top