Golaha Wakiillada

Kala fadhiyada

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO)

Garoowe: 19,October, 2022: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Guddiga oo maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda oo uu wehliyo Agaasimaga guud iyo saraakiil kale, waxayna ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, Qorshayaasha hortebinta leh ee Dawladda iyo caqabadaha jira. Waxay sidoo kale Wasaaraddu Guddiga la wadaagtay xogta iyo khariiradda mashariicaha kala duwan ee ka socda gobollada kala duwan ee Puntland iyo halka ay marayaan. Ugu dambeyntii xildhibaanada ayaa su’aalo la xidhiidha arrimaha shaqo ee ay u xilsaaran yihiin weydiiyey mas’uuliyiinta kala duwan. Waxayna labada dhinac muujiyeen inay diyaar u yihiin in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa Hay’adda Foorensik-Sayniska ( SAWIRO)

Garoowe: 17,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Foorensik-Sayniska Puntland oo ay wehliyaan xubno kale oo ka tirsan Hay’addan. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dambiyada. Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay’adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale ballanqaaday inay baahiyaha jira ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada Kalfadhiga soo socda, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo ay khuseyso. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa Hay’adda Foorensik-Sayniska ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ( SAWIRO)

Garoowe: 16,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Puntland. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Taliye ku xigeenka iyo Saraakiisha kale ee Taliskaasi, Waxayna warbixintani la xidhiidhaa waxqabadka Taliskan, xaaladda Xabsiyada Puntland, Maxaabiista ku xiran iyo Caqabadaha jira. Guddiga ayaa ballanqaaday inay baahiyaha Asluubta ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada marka uu furmo Kalfadhigu, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo wax qaban karta. Ugu dambeyntii Xildhibaannada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo warbixin ka dhagaystay saraakiishii ku sugnaa. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland#Puntland #Somalia

Guddiga Shuruucda Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Gaalkacyo ( SAWIRO)

Gaalkacyo: 12,October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay Xaalada guud Magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug. Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer ku sameeyey Xarumaha Dawladda Gaalkacyo sida Xarunta Gobolka, Taliska Qaybta Booliska iyo Xarunta Wasaaradda Howlaha guud, iyagoo Xog wareystay Xaalada Gobolka sida Amniga, Abaaraha, Shaqooyinka socda, Horumarka Magaalada iyo Caqabadaha jira. Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha adeega Bulshada sida Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, Airport-ka Cabdullaahi Yuusuf iyo goobo kale, iyagoo Saraakiisha Xarumahaasi ka dhageystay hab sami u-socodka shaqada, habka dakhliga loo uruuriyo iyo caqabadaha jira. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Gaalkacyo ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Gudaha, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa gaaray Dangorayo ( SAWIRO)

Dangorayo: 10, October 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Dimuqraadiyenta Golaha Wakiillada, Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa maanta u Kuur-galay Xaaladda guud Degmada Dangorayo, Gobolka Nugaal. Guddiyada ayaa ugu horeyn booqday Xarunta Degmada, iyagoo la kulmay Duqa Dangorayo iyo Golaha Deegaanka, Waxaana ay ka xog wareysteen Xaalada guud ee Magaalada iyo Deegaanada hoos-yimaada sida Nabad-galyada, Mashaariicda socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira, Waxaana Mas’uuliyiinta Degmadu ay ka mahadceliyeen booqashada Mudanayaasha ay ugu yimaadeen. Sidoo kale, Guddiyadda ayaa ballan-qaaday inay baahiyaha iyo Warbixinta Guud ee Degmada oo dhameystiran ay gaarsiin doonaan cidkasta oo ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfdhiga soo socda ee 51-aad. Dhinaca kale, Guddiyada ayaa booqday Goobaha Waxbarashada Dangoroyo sida Dugsiyadda dhexe iyo sare iyo Cisbitaalka Degmada, iyagoo u kuurgalay caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. DHAMMAAD Faah-faahin kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Gudaha, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa gaaray Dangorayo ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Garacad ( SAWIRO)

Garacad: 10 October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Dawladda ee Garacad iyo Deegaanka Kulub. Guddiyada ka socda Baarlamanka DPL, ayaa ugu horeyn booqday Deegaanka Kulub oo hoos-yimaada Garacad, halkaas oo uu ku habsaday bacaad aasay dhismayaashii Tuulada, iyadoo Mudanayaashu u kuur-galeen xaaladda iyo sida loo samayn karo qorshe bacaad celin ah. Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha Dawladda ee Magaalada Garacad sida Dekada Cusub, Saldhiga Booliska iyo Xarunta Dawladda Hoose, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira. Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga Maaliyadda, Guddiga Amniga iyo Guddiga Howlaha Guud ayaa gaaray Garacad ( SAWIRO) Read More »

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Guddiga Qorshaynta ayaa gaaray Bosaso ( SAWIRO)

Boosaaso: 09,October 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah iyo Guddiga Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Bari iyo iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso. Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer u kuur-galid iyo xog-waran guud ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka Bari, Waxaana kulan ay kula qaateen Guddoomiyaha Gobolka Bari, Ku-xigeenadiisa iyo Iskuduwayaasha Wasaaradaha Qorshaynta, Xanaananada Xoolaha, Degaanka iyo Biyaha ee Gobolka, iyagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan Xaaladda Amni, Horumar, mashaariic iyo weliba caqabadaha jira. Dhinaca kale, Guddiga ayaa kormeeray Xarunta iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso iyo Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, iyagoo ka dhageystay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsheyaasha degsan. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Guddiga Qorshaynta ayaa gaaray Bosaso ( SAWIRO) Read More »

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: October 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Xiritaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL ( Muuqaal/Sawiro)

Garoowe, Sep 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi uu Golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah, waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday 42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane, halka ay ka aamuseen 8 Mudane. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland. Sidaas darteed, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee Dawladda Puntland u hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntlad

Xiritaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL ( Muuqaal/Sawiro) Read More »

Xildhibaano ka qeyb-galay Dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha & qorshaha naqshadda cusub ee Deg. Rako-Raaxo ( SAWIRO)

Rako-Raaxo, 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha degmada iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Raxo-raaxo iyo waxgaradka Magaalada. Dhagax-dhiga xarunta Xannaanada Xoolaha Xoolaha iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-raaxo ayaa qeyb ka ah Barnaamijyadda Horumarinta ee ka socda Degmadda Rako-raaxo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaano ka qeyb-galay Dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha & qorshaha naqshadda cusub ee Deg. Rako-Raaxo ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top