Golaha Wakiillada

Kor joogteyn

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: October 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

Xildhibaano ka qeyb-galay Dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha & qorshaha naqshadda cusub ee Deg. Rako-Raaxo ( SAWIRO)

Rako-Raaxo, 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha degmada iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Raxo-raaxo iyo waxgaradka Magaalada. Dhagax-dhiga xarunta Xannaanada Xoolaha Xoolaha iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-raaxo ayaa qeyb ka ah Barnaamijyadda Horumarinta ee ka socda Degmadda Rako-raaxo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaano ka qeyb-galay Dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha & qorshaha naqshadda cusub ee Deg. Rako-Raaxo ( SAWIRO) Read More »

Xildhibaano ka qeyb-galay dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha Deg.Waaciye (SAWIRO)

Waaciye: 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha, Degmada Waaciye, Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Waaciye iyo Waxgaradka Magaalada. Xarunta la dhagax dhigay oo dhawaan dhismaheeda la bilaabayo ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horeysay oo yeelato Waaciye. Dhanka kale, Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa isla maanta kormeer kutagay xarunta cusub ee Degmada Waaciye oo dhismaheeda uu gebo-gebo marayo, Dugsiga-sare iyo Cisbitaalka Magaalada, isagoo xog-wareysay baahiyaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaano ka qeyb-galay dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha Deg.Waaciye (SAWIRO) Read More »

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali

Xildhibaan Sharmarke Cali Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ka qeyb-galay munaasibadda wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo, Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanka kala qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukumadda, maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Qardho, maamulka degaanka Qalwo, iyo qaar ka mid ah odayaasha degaanka. Ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Qalwo ee Degmada Qardho ayaa waxaa ka faa’ideysan doona In ka badan 20 kun oo qoys oo ku nool deegaankaas iyo deegaanada hoos yimaada ee miyiga ah, waxaa hirgelisay Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Puntland ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 17, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe. Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duman ee xafiisyada Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Taliska Hoggaanka Ciidanka, Isgaarsiinta, Dambi-baarista, Xiriirka Dadweynaha, Taliska Qeybta, Gaadiidka Booliska, Ciidanka SPU, Taliska BOL-Birmad iyo Xarunta guud ee Taliska Booliska Puntland halkaas oo ay ku soo dhaweeyn Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliye ku-xigeenka S/Guuto Caydiid Ahmed Nuur iyo Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Cabdifitaax Cabdiqaadir Axmed (Aftaag). Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa mid mid u wareystay dhammaan saraakiisha Xafiisyada uu booqday, isaga oo balan-qaaday dayactirka iyo Qalabeynta Taliska Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqa Aaadanaha Booliska Puntland, kadib codsi ay u soo gudbiyeen saraakiisha Hoggaankaas intii uu kormeerka ku jiray. Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, waxaana uu ka dhegaystay warbixino la xiriirta dhammaan shaqooyinka socda, qorshayaasha iyo caqabadaha jira, Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay Amniga dalka, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarineed ee Booliska. Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan Booliska ee sugida Amniga, isaga oo kula dar-daarmay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta sugida amniga. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Puntland ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top