Golaha Wakiillada

Wararka

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad oo la kulmay Wefdi ka socda UNSOM ( SAWIRO)

Garoowe, Agoosto 24, 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Madaxa Siyaasadda u qaabilsan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Xafiiska Puntland, Galetshajwe Rebagamang. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha, dhammeystirka dar-dar gelinta hannaanka doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland. Madaxa Siyaasadda UNSOM ee Puntland ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee Dawladda Puntland qabtay. Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ayaa uga mahadceliyey wefdiga UNSOM wada-shaqeynta wanaagsan ay la leeyihii Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna G/K/X 2-aad oo la kulmay Wefdi ka socda UNSOM ( SAWIRO) Read More »

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali

Xildhibaan Sharmarke Cali Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ka qeyb-galay munaasibadda wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo, Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanka kala qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukumadda, maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Qardho, maamulka degaanka Qalwo, iyo qaar ka mid ah odayaasha degaanka. Ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Qalwo ee Degmada Qardho ayaa waxaa ka faa’ideysan doona In ka badan 20 kun oo qoys oo ku nool deegaankaas iyo deegaanada hoos yimaada ee miyiga ah, waxaa hirgelisay Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Wareejinta Qodaalka iyo qalabeynta ceelka Qalwo ee Xil. Sharmarke Cali Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada..

Garoowe, Agoosto 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad. Guddoomiyaha ayaa warbixin uga dhageystay Guddiga, taas oo ku saabsan shaqada Guddiga kadib magacaabistii 25 Luulyo, 2022 taas oo Guddoomiyaha ku magacaabay Xeer Lr. 53 sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad farqadda 11-aad. Guddiga ayaa maalmaha soo socda lagu waddaa inay soo dhammeystiraan Xog-ururinta Natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada.. Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto ( SAWIRO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto oo ku beegnayd sannad-guuradii 24-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay Dawladda Puntland. Xafladda oo ka qabsoontay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee GW DPL, Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. Xuska Sannadkaan ayaa ahaa mid ka duwan sannadkii hore, waxaana dhaqaale loogu ururiyey dadka ay abaaraha saameynta ku yeesheen ee nool Puntland, waxaana hadalo ka jeediyey Madaxweynaha iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aa..

Garoowe, Luulyo 30, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa; 1. Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021 2. Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare DPL 3. Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC 4. Dhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad 5. Ansixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey, akhriska 2-aad-na ku samaynayey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL, Guddiga ayaa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku sheegay in laga filayey gudaha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84.15% waxaana muuqda is-dhin han $14,915,484 una dhiganta 15.85% Sidoo kale, waxaa jira lacag laga filayey Mashriicda Bangiga Adduunka oo Odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14,213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021, Xisaab-xirka waxaa loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood sidaas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021. Xasaannad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarshadda & Tacliinta sare DPL Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana), Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee DPL Cabdirxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana) ayaa Golaha ka hor-yimi si uu helo Xasaanadda shaqo, isaga oo ka hor-akhriyey taariikhdiisa shaqo, waxbarasho iyo waayo-aragnimo, Kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo & Aamus toona ma jirin, Xildhibannada ayaana wasiir ku-xigeenka Waxbarasharadda iyo Tacliinta sare cod wadar-oggol ah ku oggolaaday. Dhanka kalena, waxaa Fadhiga maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hor-yimi Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland kuwaa oo kala ahaa, 1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax) 2. Mahad Bashir Nuur 3. Maxamuud Yaasiin Mohamed Aw Cali Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka ayaa Golaha ka horjeediyey taariikhdooda, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin xilka loo magacaabay. Intaa kadibna, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xubnood, waxayna sidaa ku heleen codka kalsoonidda. Sidoo kalena, Golaha waxaa hor-yimi Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad Labada Guddiyadda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta shaqooyinka loo xil-saaray, waxayna Golaha ka codsadeen inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah, maadama la gelayo maalmaha fasaxa ee Xuska sannad-guuradda 24aad ee aas-aaska Dawladda Puntland,waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xildhibaan, sidaas ayaana Golaha ugu codeeyay inuu Kalfadhiga 50aad wakhti dheeraad ah lagu daro siina furnaado illa inta laga soo dhammeystirayo Maxkamadda Sare iyo Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad. Ugu dambeyntii, Waxaa Golaha lala wadaagay warqad codsi ah oo Madaxweynaha DPL ku codsanayey IIbka dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30X90 laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 52aad farqadiisa 3aad, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 5 Xildhibaan, Diidmo 27, Aamus 11, Golaha Wakiillada ayaana sidaa ku diiday Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe. Fadhiga maanta ayaa waxaa ka qeyb-galay Arday ka soctay 15 Dugsi oo ku yaal guud ahaan Goboladda Puntland si ay wax uga oggaadan shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aa.. Read More »

MP. Ahmed’s Bashir Askar Bio

MP. Ahmed Bashir Askar is a member of Puntland Parliament Affairs Comnittee, one of the Federal states in Somalia. He was born and raised in the city of Bosaso, which is located on the northern coast of Somalia. Prior to his involvement in government, MP.Ahmed worked in a humanitarian organization in Bosaso, where he contributed to providing aid and support to vulnerable communities in the region. MP. Ahmed Bashir Askar is also known for his activism in promoting social change in his community. He has been involved in various initiatives aimed at promoting peace, reconciliation, and education in the region. His work as a social activist has earned him respect and recognition from the local community. In 2022, MP. Ahmed Bashir Askar was elected as a member of the Puntland Parliament, where he represents his constituency and contributes to the legislative process of the state. As a parliamentarian, he is committed to promoting the interests of his constituents and working towards the development of his region. Overall, MP. Ahmed Bashir Askar is a dedicated public servant who has worked tirelessly to improve the lives of people in his community. His experience in humanitarian work and social activism has equipped him with the skills and knowledge necessary to contribute to the development and progress of his region. Contact Email: mpahmedaskar@puntlandparliament.comNumber: +252-907798349

MP. Ahmed’s Bashir Askar Bio Read More »

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa ka qeyb-galay Falanqeynta Buugga Hagge

Garoowe, June 14, 2022: Agaasimaha Warfaafinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Abdiwali Gooni ayaa qeyb-galay talo-bixinta & falanqeynta Buugga Hagge Saxaafadeed ah kaas oo Ururka WIMISOM ku qabtay Garoowe. Buuggaan ayaa ka hadlaya mawduucyada la xiriira Saxaafaddii hore, mida casriga ah, mabaadi’da aasaasiga ah ee shaqooyinka Warbaahinta. DHAMMAAD

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa ka qeyb-galay Falanqeynta Buugga Hagge Read More »

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa Tababar u xiray 30 Suxufi

Garoowe, May 07, 2022: Agaasimaha Warfaafinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Abdiwali Gooni ayaa tababar u furay 30 Suxufi oo ka kala socda Warbaahinta Puntland. Tababarka ayaa lagu baranayey xuquuqda helista warbixinada iyo doorka saxaafadda ee ilaalinta dadka nugul loogu qabtay Garowe. Weriyeyaasha waxaa lagu tababaray xuquuqda hadalka, xuquuqda bini’aadamka, sida loo kala hufo wararka been abuurka ah (Fake news) ama marin-habaabinta ah (misinformation) iyo siyaabaha looga hortago. Warfaafinta Baarlaamnka

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa Tababar u xiray 30 Suxufi Read More »

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa ka qeyb-galay Xuska Wargeyska Xiddigta October ( Daawo)

Garoowe, January 22, 2020:  Agaasimaha Warfaafinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Abdiwali Gooni ayaa hadal ka jeediyey Munaasibad lagu xusay maalintii ugu horeysay oo Wargeys ku qoran Afka Soomaaliga (Xidigta Octoober ) uu dalka ka soo baxay. Agaasimaha ayaa sheegay in maanta oo kale qiimo weyn ugu fadhiso guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. HALKAAN KA DAAWO

Agaasimaha Warfaafinta Abdiwali Gooni ayaa ka qeyb-galay Xuska Wargeyska Xiddigta October ( Daawo) Read More »

Parliament Speaker appointed Abdiwali Gooni, Director of Communication – led Parliament’s Move toward Implementing access To Information Initiative 1st time In Somalia.

October 1, 2021  In the occasion of commemoration of International Day for Universal Access to Information, Bareedo Platform commends the Puntland Parliament’s positive move toward adopting and practicing openness of information to the public, the first move ever in Somalia. Puntland parliament is one the three legal structures of Puntland government founded in August 8, 1998 as an autonomous state government after collapse of Somalia’s central government in 1991. Puntland parliament practiced a culture of limited openness to the public and less engagement of citizens in the parliamentary work to improve access to information, accountability and transparency. Puntland citizens were hard to find or know what their representatives do, the media coverage of the opening session in the first day of parliament’s scheduled sessions has been the only information that public could heard. In an online poll conducted by Bareedo Platform in 2019 indicates that 89% of the citizens unaware of and not familiar with the parliament’s work, sessions and proceedings. And 81.5% of respondents said they are curious to know information and work of the parliament to ensure that they are fulfilling the mandated work and not pursuing their own interests. Bareedo Platform advocated openness of the parliamentary information and engagement of citizens in the parliamentary work to improve parliamentary accountability and transparency in Puntland as well as citizens’ right to know to ensure that their representatives are working for their benefit and not pursuing their own interests. In November 14, 2021, H.E. Abdirashid Yusuf Jibril, a member of the parliament and former Presidency’s Information and Communications Director is elected as the new Speaker of the Parliament. Mr. Jibril who had understanding of this matter quickly moved to establish a communication office for the parliament first time and appointed Abdiwali Gooni, a well-known journalist and long-time media practitioner as the director of Communications the new office. Mr. Abdiwali quickly proceeded to lying foundations of the Parliament’s Communication Office and created a website where all parliament work, information and legal documents are openly available to public as well as created social media pages such as Facebook, Twitter and Instagram where parliament information and updates are constantly published. From 2020, the parliament’s work, information, meetings and reports become available to the public first time ever in Puntland and generally Somalia. And public began to follow, discuss and comment on parliament’s discussions, proceedings and reports first time ever though they are hardly engaged. “I have started the office from scratch and with no single support available for such activities. I have put priority on establishment of the parliament’s public information channels such as social media pages, a website as well as recruitment and training of a competent team to work with me in delivering of the office’s mandate” the Parliament’s Director of Communications Mr. Abdiwali Gooni said. “Before this office, people couldn’t know what their representatives are doing or what is going in the parliament, but now I’m proud of that Puntland people and generally Somali people are fully aware of and follow the parliament’s daily work more than ever.” Mr. Gooni added “I’m now fully aware of the parliament’s sessions, live discussions and schedules, something limited before now. I feel happy for seeing parliament’s work on daily basis while their sessions are ongoing…” a member of Puntland Diaspora Mr. Ahmed Jama said. “Since 1998, the parliament has been endorsing countless legal documents and policies and has been hard to find single copy of these documents, but now I can download these documents from the parliament’s website easily..” A lawyer and social rights activist Mr. Sharmake Nur said.   This is an impressive and positive move forward in the face of the looming access to information situation in Somalia, but there is still more need to be done and looking forward to adoption of access to information laws to fully absorb the people’s right to know and access the information without barrier. Bareedo Platform also calls for other states and the federal parliament in Somalia to follow suit. Source. Bareedo Platform

Parliament Speaker appointed Abdiwali Gooni, Director of Communication – led Parliament’s Move toward Implementing access To Information Initiative 1st time In Somalia. Read More »

Scroll to Top