Garoowe: January 22, 2023: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada, kaas oo ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada.
Kulanka ayey Mudanayaashu iskaga xog waraysteen arrimo ay ka mid yihiin hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada Goleyaasha Deegaanka ee ka socota qaar ka mid ah Gobollada Puntland, xaaladda Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood iyo siyaasadda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland