Golaha Wakiillada

Fadhiga 10-aad ee Guddiga joogtada

Garoowe: March 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Guddiga j oogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.


Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo La-taliyaha dhinaca Xeerarka ee Wasaaradda.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey arrinta ku saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta, taas oo lagu soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023.

Guddiga ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha jaangoynta Cashuurta, intaa kadib, Guddiga joogtada ah ayaa isla qaatay in Talo-soojeedinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta in qoraal loogu gudbiyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dawladda Puntland iyaddoo loo marayo habraacyadda curinta Xeerarka sida uu qabo Qodobka 68-aad xarfaha B, T, iyo J, Qodobka 54-aad farqadiisa 4-aad iyo Qodobka 76-aad xarafka ee Dastuurka Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top