Garoowe, November 13, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.






Golaha Wakiillada ayaa weli ku guda jira ka doodista iyo qodob qodob u ansixinta hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland sida uu dhigayo qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Dooda hindise-xeereedkan oo Goluhu curiyey ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland