Garoowe, 28 June 2025 β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta πΎπππππππ π π πΏππππππππ π πΏππππππ πππ πΎπππππππ π π π―ππππππππππ π―πππππππ πππ π¨πππππππ πΈπππππ π«πππππ π π π·πππππππ .
Wasiirrada, Agaasimayaasha,Xiriiriyaha Maxjarrada, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin.
DHAMMAAD β



