Garoowe, November 14, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.






Xildhibaannada Golaha oo maalmihii la soo dhaafay ka doodayey hindise-xeereedka Kheyraadka biyaha Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey guud ahaan qodobada xeerkan, waana markii ugu horeysay oo xeer loo sameeyo habka isticmaalka & soo saarista biyaha deegaanada Puntland.
Ugu dambeyn, Golaha waxaa loo qaybiyey wax-ka-badalka xeerka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana lagu wareejiyey Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta & isgaarsiinta oo akhris-ka 2-aad ku soo sameyn doona islamrkaana Golaha horkeeni doona sabtida soo socota ee 19-ka bishan hadii Alle idmo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland