Garoowe: Luuliyo 16, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Hindise-xeereedka Sumadaha Ganacsiga Puntland.
Ugu horeyn Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka Ganacsiga & Kaabyaasha Dhaqaalaha oo Hnidise xeereedka akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay.
Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Sumadaha Ganacsiga, iyadoo xeerku uu si faah-faahnsan uga hadlayo nidaaminta Sumadaha & Magacyada shirkadaha Ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa wadanka ka jira, ilaalinta lahaanshahooda iyo shuruudaha diiwaangelintooda.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerkan Sumadaha Ganacsiga, Waxaa Oggol ugu codeeyay 31 mudane, diidmo ma jirin, halka ay ka aamuseen 5 mudane, Guddoomiyuhuna muu codeyn.
DHAMMAAD