Garoowe, Luulyo 10, 2023: Ku-sima Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan , oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 11-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2022. Dhagaysiga Warbixinta ka dib, Goluhu wuxuu cod gacan taag ah ku ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2022 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada DPL.
Dhinaca kale, waxaa Fadhiga maanta, xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah si ay akhrinta labaad ugu soo sameeyaan Golahana ugu soo gudbiyaan wax-ka-bedelka ay ku sameeyaan Xeerka, waxayna Guddigu warbixinta wax-ka-bedelka Xeerka golaha dib ugu soo celin doonaan Maalinta Isniinta oo tariikhdu ku beegan tahay 17 Luuliyo,2023 haddii Alle idmo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland