Golaha Wakiillada

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: Luuliyo 17, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland.

Ugu horeyn Guddiga Shuruucda & Cadaaladda oo Xeerkan akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay.

Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya hubinta sareynta sharciga, Xal u helida khilaafyada ka dhasha kala-wareejinta hantida dadweynaha iyo Xoojinta Nidaaamka Cadaaladda Puntland.

Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Nootaayooyinka, Waxayna maanta Goluhu ka shaqeeyeen ilaa qodobka 12-aad ee Xeerkan, iyadoo la raacayo qodobka 70aad ee Dastuurka halka inta harsana ay maalinka berri sii amba qaadi doonaan.

DHAMMAAD

Scroll to Top