Garoowe, December 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Ugu horeyn Guddoonka ayaa Xildhibaannada la wadaagay in ajandaha shirka yahay Jawaab celinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee go’aankii ay soo saareen xubno kamid ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee DPL, kaas oo kasoo horjeeda qodobada 25-aad, 89-aad iyo 94-aad ee Dastuurka DPL iyo xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah qodobadiisa 10-aad iyo 12-aad.
Sidoo kale, Mudenayaasha ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey aragtidooda ku aadan dood sharci oo ku saabsan habraaca ay Maxkamaddu u martay go’aanka ay soo saartay.
Ugu, dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shirka soo xiray.
DHAMMAAD.