πππ«π¨π¨π°π, 18 ππ¨π―ππ¦πππ« ππππ β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π 13-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π ππ-πππ ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhigan ayaa ahaa sii wadista ka shaqaynta Xeerka Xabsiyada Puntland.
Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ππ¨π¨πππ, π°ππ±-π€π-ππππππ₯π€π π’π²π¨ π€ππππ’π¬ππ Xeerkan.
Intaas ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerka Xabsiyada Puntland waxaa Oggol ugu codeeyay 42 mudane, waxaa diiday 0 Mudane, halka ay ka aamuseen 4 Mudane.
Ugu dambayn, Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga aiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saabsan Qabyo qoraalka Hindise Xeereedka Dhawridda Tayada Puntland oo goluhu curiyey, kadib hindise xeereedka ayaa loo qeybiyey Golaha si ay ugu sameeyaan akhrin 1-aad, waxaana la isugu soo noqonaynaa khamiista 20/11/2025.
-DHAMMAAD-



