Golaha Wakiillada

Fadhiga 14-aad ee kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada.

π†πšπ«π¨π¨π°πž, 20 ππ¨π―πžπ¦π›πžπ« πŸπŸŽπŸπŸ“ – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π…πšππ‘π’π πš 𝟏4-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Xildhibannada Golaha Wakiillada waxaa warbixin la wadaagay Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo gacanta ku haya Hindise-xeereedka dhawridda Tayada, iyagoo faah-faahin ka bixiyey ujeeddada Hindisahan iyo geedi socodsiika. Guddiga hawlaha guud iyagoo ka duulaya go’aankii Golaha Wakiillada Kalfadhiga 54-aad iyo cabashada shacabka waxay sameeyaan u kuurgelidda baahida jirta iyo sidii xal loogu helihaaa, waxayna diyaariyieen, waxayna soo diyaariiyeen hindisaha dhawridda Tayada oo Golaha loo qeybiyey fadhigii hore.

Intaas kadib, xildhibaannada su’aalo ka weydiiyey guddiga Ujeeddooyinka Hindise Xeereedkan, habraaca Xeer-dejinta iyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland.

Ugu dambayn, dood iyo falaqeyn dheer kadib, Hindise Xeereedka ayaa lagu wareejiyey guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqalaaha si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad islamarkaana latashi kala sameeyaan daneeyayaasha Hindise Xeereedkan,waxayna Golaha dib ugu soo celinayaa Maalinta Isniinta oo ku beegan 24.11.20225 haddii Alle idmo.

Scroll to Top