Garoowe, December 04, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland kaas oo shalay Golaha bilaabeen ka doodistiisa.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maalintii 2aad qodob-qodob uga doodaya Xeerkaan oo ka kooban 54 Qodob, waxayna cod gacan taag ah mid mid ugu ansixiyeen 20 Qodob oo ka mid ah xeerka.
Dooda wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.






DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland