Garoowe: July 25, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland, waxaa goobjoog ahaa 60 Xildhibaan.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.
Muddo 30 cishe ah oo Guddigu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshadda, si toos ahna looga baahiyey Warbaahinta ayaa si rasmi ah loo gudo galay wax-ka-bedelkiisa.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland
Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin.
Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta rasmiga ah
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland