Golaha Wakiillada

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: Luuliyo 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta oo ay soo Xaadireen 40 Mudane waxaa Goluhu ku guda jirey ka doodista wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo Golaha u soo gudbiyey wax-ka-baddelka Xeerka.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland.

Siwaafaqsan qodobka 52-aad ee Dastuurka DPL Golaha Wakiillada ayaa fadhigii maanta ku ansixiyey iibka dhulalka xabsiga Gaalkacyo iyo ciidanka Booliska, kaas oo lagu dhisayo Xabsi casri ah oo daboolaha baahida ka jirta Gobolka Mudug.

Sidoo kale, Golaha ayaa oggoladaay in wax-ka-baddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerarka tayo-dhowrka Badeecadaha iyo khidmahadaha ee Dawladda Puntland kadib soojedinta Guddiga Howlaha guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo Golaha u soo ugudbiyey warbixinta la xiriirta Cabashada dadweynaha ee tayada Badeedaha iyo sidii xal loogu helilahaa tayada Badeecadaha Kala duwan, iyadoo la dhawrayo bedqabka bulshada.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan ayaa Golaha u soo gudbiyey soo jeedin ku aadan curin Hindise xeereedka wax ka qabanaya baraamijyada Apps internetka, khamaarka. qaawanaanka iyo waxyaabaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban. Intaas kadib xildhibaannada ayaa oggolaaday soojeedinta curinta Hindise xeerka xakamaynta khamaarka iyo anshax xumada, waxaana la Isla Qaatay in guddi gaar ah loo saaro oo daarasad ku samaynta baahida jirta, iyadoo la eegaya xeerarka jira.

Waxaa isla fadhiga maanta Golaha la wadaagay warbixin guddiga Gaarka ee loo xilsaaray soo ururinta talo soojeedimaha Guddiyada Golaha Wakiillada ee Kalfadhiga 54-aad. Dhageysiga warbixinta Guddiga kadib Golaha ayaa go’aan Gole ku meelmariyey warbixinta Guddiga, si loogu gudbiyo xukuumadda waxna looga qabto caqabadaha jira.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada Golaha ayaa waxaa loo qaybiyey Hindise xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda iyo hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, si loo mariyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

DHAMMAAD

Scroll to Top