Golaha Wakiillada

Fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Luuliyo 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga & Kheyraadka badda Puntland oo ay wehliyaan xubnaha kale ee wasaaradda siwaafaqsan qodobka 68-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kadib markii Guddigii korjoogteynta kulahaa Wasaaradda ay codsadeen in loo yeero maadaama aysan ku qancin xogtii ay u soo gudbiyeen.

Iyadoo Wasiirku uu raaligelin ka bixiyey arintaas dhacday oo uu ku tilmaamay cilad farsamo hada kadibna sida Dastuurku qabo Wasaaraddu ula shaqeyn doonto Guddiga Arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Kaluumaysiga kuwaas oo la xiriira sababaha ay uga gaabiyeen wadashaqeyntii Guddiga Deegaanka Golaha Wakiillada, cabashooyinka Kaluumaysatada ee waxyeelada u geystaan Doonyaha iyo maraakiibta shisheeye, hanaanka shatiyada loo bixiyo iyo guud ahaan shaqooyinka Dastuuriga ee Wasaaraddu gacanta ku hayso.

Waxaana dhammaan su’aalihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Wasiirka Kaluumaysiga iyo xubnaha kale ee Wasaradda, iyadoo ugu dambeyn kulanka uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL.

DHAMMAAD

Scroll to Top