Garoowe, Augusto 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Hindse-xeereedka Maamulka Maaliyadda Guud ee Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda kaas oo ka kooban 70 Qodob.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, Guddiga ayaa Golaha warbixin ka horjeediyey kadib akhriska 2aad ku sameeyn.
Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah dalka.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee Puntland.
Xeerkaan ayaa muhiimad weyn u leh nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee dalka.
Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey labada oo kala ah, Wax-ka-bedelka xeerka Goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Dawladda Puntland, kuwaa oo Golaha dib loogu soo celin doono maalinta Khamiista 10 Augusto, 2023 Haddii Alle idmo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland.




