Garoowe, Luuliyo 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenada, Wasiiru-dowlaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyadoo Wasiirku uu Golaha la wadaagay la xiriirta hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kaas oo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Hindise-xeereedkan Golaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay ugu sameeyaan akhriska labaad, Golahana ay hor keenaan kalfadhiga soo socda ee 55-aad.
Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha hor-yimi Guddoomiyaha Bankiga oo ay wehliyaan Guddoomiye-kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Baanka dhexe, kuwaas oo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta Hindise-Xeereedka Bangiga Dawladda Puntland ee hay’daha Maaliyadda.
Waxaana ay Golaha la wadaageen warbixin taabanaysa ujeeddooyinka hindise-xeereedka, geedi socodka uu soo maray, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee ka dhalanaysa, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Madaxda Bankiga Hindise-xeereedkan, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka.
-DHAMMAAD-