Garoowe, December 07, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Ajandaha fadhiga ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadib markii Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada. ee Golaha wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeyn.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Sida ku cad, ujeeddooyinka Xeerka ayaa ah ilaalinta u sinnaanta fursadaha shaqo ee Dawlad, ilaalinta iyo maareynta Xogta Shaqaalaha iyo suggida arragtida Siyaasada maamul ee horumarinta habsami u socodsiinta shaqada Dawladda iyo daryeelka shaqaalaha.
Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 35, cid diiday ma Jirin, aamus 1 mudane.
Xeerka ayaa ka kooban 56 Qodob kaas oo si faah-faahsan uga hadlaya Xuquuqda Shaqaalaha &waajibaadka shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland.




DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.