Golaha Wakiillada

FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

Garowe, Nofeembar 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb-galay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, kuwaas oo su’aalo kala duwan looga weydiiyey xaaladda guud ee garsoorka Puntland. Arrimaha si gaar ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ah hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka, iyo dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda.

Ugu horreyn, waxaa hadal kooban Golaha ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland, Mudane Xassan Yuusuf Nuur, oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee maxkamadaha iyo garsoorka Puntland ee xaqiijinta cadaaladda.

Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda iyo horumarka adeegyada garsoorka ee Puntland, iyagoo sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas. Xogta la soo bandhigay waxay muujineysaa in sannadkan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ka shaqeeyey 5,085 dacwo.

Sidoo kale, Guddiga ayaa iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas iyo fulinta go’aamada ay Maxkamadu soo saartay iyo sare u qaadista adeegga garsoorka si loo gaarsiiyo deegaanada aan weli laga hirgelin maxkamado iyo hannaanka horumarinta Garsoorka Puntland iyo sidii caqabadaha looga gudbi lahaa.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday caqabadaha haysta garsoorka, iyaga oo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeeg caddaaladeed oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa ku booriyey wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha sharci-dejinta iyo garsoorka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntan ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta caddaalad loo siman yahay oo hufan.

Golaha Wakiillada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan la xisaabtanka iyo dhiirrigelinta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in Puntland ay hesho nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Scroll to Top