Golaha Wakiillada

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garoowe, January 20, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, deegaanka, iyo xaaladda abaaraha ka jira Puntland.

Intii uu kulanku socday, Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu u xilsaaray u kuurgelidda xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland ayaa Guddiga la wadaagay warbixin la xiriirta kulankii ay la yeesheen Guddiga Iskuduwidda Gargaarka iyo Ururinta Xogaha ee Xukuumadda Puntland.

Warbixintaas ayaa diiradda lagu saaray shaqooyinkii la qabtay, caqabadaha jira, qorsheyaasha la dejiyey, sida ay hay’adaha dawladdu uga jawaabeen xaaladda taagan, iyo taakulada la gaarsiiyey dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay, iyadoo guddigu so jeediyey in si asbuucleh loola socodo xogaha ka soo kordha abaaraha iyo gar-gaarka cidda ay saamaysay abaartu.

Sidoo kale Guddigu wuxuu dood dheer ka yeeshay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Guud ahaan Soomaaliya, gaaar ahaan Puntland iyo doorka Golaha Wakiilladu ee ku aaddan arrintaas, isagoo guddigu isla qaatay in laga soo diyaariyo aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo loo gudbiyo Golaha xukuumadda Puntland.

DHAMMAAD

Scroll to Top