Garoowe, October 8, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada.
Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa furay fadhiga, iyadoo ajanduhu ahaa Xog-waran Xaaladda Guud ee dalka, dhaqan-gelinta go’aamadii ka soo baxay Kalfadhiga 54-aad iyo u diyaar garowga Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.
Ugu horreyn, waxaa warbixin taabanaysa xaaladda guud ee dalka soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Intaas ka dib, waxaa warbixinno laga dhagaystay xubnaha Madax-gudiyeedyada kuwaas oo la xiriira safaradii ay ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.
Dhanka kale, intii kulanku socday waxaa la isla qaatay in guddi gaar ah loo xilsaaro kormeerka iyo u kuurgelidda Gobolka Nugaal si Goluhu xog-ogaal ugu noqdo xaaladaha bulsho ee Gobolka, sidoo kalana la dardargeliyo u diyaar garowga Kalfadhiga 55-aad, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku bogaadiyey hawlaha baaxadda leh ee guddiyada Goluhu ay ka qabteen kormeeradii iyo booqashooyinkii ay sameeyeen.
https://vm.tiktok.com/ZMhSno7TT
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


