Golaha Wakiillada

Fadhiga 2-aad ee Kal fadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL.

Garoowe: June 16, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1aad iyo ku-xigeenka 2aad ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kal-fadhiga 56aad Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah Kal-fadhiga 56-aad ee Goluhu ku shaqeyn doono, muddada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadku, kaasoo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan maalinta berri ah (17.06.2025).

DHAMMAAD –

Wixii faah-faahin ah kala xiriir:

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Scroll to Top