Golaha Wakiillada

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada

Garoowe, Oktoobar 30, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada waxaana fadhigan ka soo qaybgalay 57 mudane.

Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay cod gacan-taag ah mid mid ugu codeeyeen una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad kaas oo goluhu ku hawlgeli doono inta uu kalfadhigan socdo.

Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad ayaa waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha kaas oo dhigaya in ajandaha qabyo-qoraalka ah ee kalfadhigu uu Golaha la horkeeno ayna Xildhibaannadu ka doodaan ka hor ansixinta ajandaha rasmiga ah.

Cod gacan-taag ah oo la qaaday, waxaa ajandaha ansixiyey 50 xildhibaan, halka uu diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay 6 mudane.

Maalinta berri, Oktoobar 31, 2024, oo ay mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ee kalfadhigan, ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa ajandaha rasmiga ah ee maanta la ansixiyey, haddii Alle idmo. Ajandahan ayaa xambaarsan qodobbo muhiim ah oo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaga arrinsan doono hawlaha muhiimka ah ee horyaalla xilligan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top