Golaha Wakiillada

Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada

π†πšπ«π¨π¨π°πž, 6 πƒπžπœπžπ¦π›πžπ« πŸπŸŽπŸπŸ“ – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π…πšππ‘π’π πš 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga oo ahaa u yeeridda Golaha Garsoorka Puntland ayaa qaar kamid ah xildhibannada Golaha Wakiilladu ay soo jeediyeen in dib loo celiyo la xisaabtanka Garsoorka, maadama ay kala maqan yihiin Guddiga Maamulka Sare ee Garsoorka, waxayna xildhibaannada Goluhu soo jeediyeen in garsoorka oo dhammaystiran ay golaha horyimaadaan.

Intaas kadib, waxaa cod loo qaatay soojeedinta xildhibaannada, waxaana ugu codeeyey in dib loo celiyo garsoorka πŸπŸ— Mudane, halka πŸ— Mudane ay u codeeyeen in Ajandaha la siiwado, Guddoonka Goluhu ma coddayn, waxaana ka Aaamusay πŸ’ Mudane.

DHAMMAAD

Scroll to Top