Golaha Wakiillada

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha.

Garoowe, Diseembar 05, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha.

Fadhigan ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nidaamka Federaalka iyo tallaabadii sharci-darrada ahayd ee loo bedelay Dastuurkii 2012 ee heshiiska lagu ahaa.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay Dastuurkii lagu heshiiyay, iyagoo tilmaamay in wax-ka-beddel lagu sameeyay si sharci-darro ah.

Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Dastuurka 2012, isagoo sheegay in wax-ka-beddel aan loo dhammayn uu keeni karo khilaaf iyo kala qeybsanaan.

Goluhu waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan ay dhaawici karaan nidaamka lagu heshiiyay.

Si loo helo xal waara, Golaha Wakiillada ayaa go’aamiyay in doodda in talo soo jeedinta ku saabsan arrintan loo xil saaro Guddiga gaar ah oo ka soo talo bixiya arrimaha Federaalka dalka Soomaaliya, go’aanna ku soo celiya Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

-DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Scroll to Top