Garoowe, 26 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta wax-ka-bedelka ๐ซ๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐น๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฟ๐ด๐ฎ๐ด๐ถ๐ ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ฃ๐๐ป๐๐น๐ฎ๐ป๐ฑ.
Ugu horrayn, ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan wax-ka-beddelka xeerka, iyagoo akhriska 2-aad ku sameeyay, warbixintaas oo si qoto dheer u dul istaagtay heerarkii kala duwanaa ee xeerku soo maray iyo la-tashiyadii lagu sameeyay.
Intaas kadib Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, waxaana la qorsheynayaa in dooddu ay sii socoto fadhiyada soo socda.
DHAMMAAD โ



