๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐ ๐๐๐๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ โ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mohamed Mahamud Esse – Awoowe, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa: U qareemidda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin waayeelka, agoomaha, iyo dadka naafada ah ee Puntland.
Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas iyo sida ugu habboon ee dowladdu uga jawaabi karto baahiyahooda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in loo helo siyaasad, miisaaniyad iyo adeegyo waara oo la xiriira arrimaha bulshada.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa arrintaas u xilsaaray ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐, ๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐ค๐, ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ iyo xildhibaanno kale oo lagu daray, si ay u soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin lagaga jawaabayo baahiyaha dadka nugul ee Puntland.
DHAMMAAD


