Garoowe, 27 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta wax-ka-bedelka ๐ฟ๐๐๐๐๐ ๐ณ๐-๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ ๐ท๐๐๐๐๐๐๐ .
Ugu horrayn, Goluhu wuxuu guda galay qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan.
Ugu danbayn , Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada
ee Puntland, ๐พ๐๐๐๐ ๐ถ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ 32 ๐๐๐ ๐๐๐, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 2 mudane.
DHAMMAAD โ


