Garoowe, 29 Luulyo 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 24-๐๐๐ ๐๐ ๐ฒ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ 56-๐๐๐ Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku sii wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 ee Puntland.
Ugu horrayn waxaa Golaha laga hor akhriyey Warbixinta Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada ee ๐ซ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฏ-๐ ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ-๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ.
Intaas ka dib, Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku Meelmariyeen ansixiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaa Oggol ugu codeeyey 38 Mudane, Diidmo 2 Mudane, halka aysan jirin cid ka aamustay.
Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday in maanta si rasmi ah loo soo xiro Kalfadhiga 56-aad ee Golaha.
DHAMMAAD โ



