Garoowe, October 28, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Ajandaha rasmiga ah, dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana maanta Golaha Warbixin ka soo jeediyey Guddiyada kala ah;
1.Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
2. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
4. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


