๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐๐ค๐ญ๐จ๐จ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ โ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhigan ayaa ahaa dhegeysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdisaaq Xidig Warsame, ayaa fadhiga ka akhriyey warbixinta guud ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha u muddadii u dhaxaysay labada kalfadhi.
Warbixinta waxaa jeediyey guddiyada hoos ku xusan:
-๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐, ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐.
-๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ ๐๐ง๐ฌ๐๐๐ง๐ค๐, ๐๐๐ฐ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐.
-๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ง๐ฌ๐ก๐๐ฑ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐.
-๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐, ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐.
Ugu dambeyn, Xildhibaannada Golaha ayaa suโaalo iyo faallooyin ka dhiibtay warbixinnadii guddiyadu soo bandhigeen, iyagoo muujiyey muhiimadda ay warbixinnadu u leeyihiin howlaha Golaha ee horyaalla Kalfadhigan.
DHAMMAAD โ





