Garoowe, January 05, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Guddoomiye Cabdirisaaq oo shirka furay ayaa Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Madaxtooyada, taas oo ku asteysan Isniinta 08/01/2024, haddii EEBBE idmo, iyadoo Goluhu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey.
DHAMMAAD


