Garoowe: June 19 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay;
1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa
2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka
3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah
4. Guddiga Amniga & Nabadgelyada
Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.
Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland




