Garoowe, October 29, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana maanta Golaha Warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah;
1. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
2. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
3. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda dhammaan Gobollada dalka.
Follow Puntland Parliament on Telegram: https://t.me/parliamentofpl
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


