Garoowe: Juun 24, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire & ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.
Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah:
1) Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga
2) Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha
3) Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah
4) Guddiga Amniga & Nabad gelyada Golaha Wakiillada
Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland




