Golaha Wakiillada

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Garowe, May 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha Federaalka & Dimuqraadiyadda, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Degmada Garoowe, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal, Taliyaha Baarista Denbiyada Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Amniga dalka, waxqabadka ciidanka, Arrimaha gudaha, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta Amniga.

Guddiga Joogtada ah ayaa su’aalo ka weydiiyey natiijadii ka soo baxday kormeer iyo kor-joogteyntii ay guddiyadu Goluhu ku tageen saldhigyada magaalada Garoowe, kaasoo u jeeddadiisu ahayd la socodka habsami u socdka shaqada Saldhigyada, u kuurgelidda baahiyaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib oo mas’uuliyihiintu ka yeesheen arrimahaas waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Amniga, horumarinta Degmooyinka, teyeynta ciidanka Booliska, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka.

Ugu dambayn, guddiga joogtada ahi waxay mas’uuliyiinta kula dar-daarmeen in qorshe cad laga yeesho sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, waxayna ballanqaadeen in ay korjoogteyn ku samaynayaan hay’adda dawladda, si loo xaqiijiyo waxqabadkooda, iyagoo u mahadceliyey guud ahaan ciidanka Puntland iyo shaqada ay dalka u hayaan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta.

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Scroll to Top