Golaha Wakiillada

Fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacayo

Gaalkacyo, Feb 9, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esseayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug oo markiii ugu horaysay lagu qabtay

Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda Guud ee Puntland, arrimaha abaaraha, dhaqaalaha, Amniga iyo arrimaha bulshada. Intaas sidoo kale waxaa warbixin looga dhegaystey Guddiyada Golaha Wakiillada ee kormeerka ku tagey xarumahaa hay’adaha dawladda, kuwaasoo kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada Gaalkacayo, maamulka Bangiga Gaalkacayo, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka, xarunta dadka baahiyaha gaarka qaba, iyo dugsiyada lagu xanaaneeyo agoomaha.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda habsami u socodka shaqo ee hay’adaha dawladda, ururinta xogta la xiriirta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, cabaqabadaha jira iyo qiimeynta qorsheyaasha ay hay’aduhu wadaan si loo dar-dargeliyo adeegyada ay bulshada u hayaan ee haya’da dowladdu ka fuliyaaan Gobolka Mudug.

Dhinaca kale, guddigu waxay isla qaateen dar-dargelinta shaqooyinka guddiyadu ay gacanta ku hayaan ee loo xilsaaray, warbixintooda ay soo gudbiyaan fadhiga soo socda.

Guddiga Joogtada ah waxay guddiga gaar ah u magaabeen la socodka nabaddeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha Gobolka Mudug, si xal waara loogu helo colaadaha soo noq-noqday.

Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah waxay uga mahadcelinayaan dhammaan bulshadda Rer Galdogob oo martigeliyey kumanaan muwaadiniin Soomaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamaka, kuwaasoo ka soo qaybgalay munaasabadii Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, Ugaaska Guud ee Beelaha Tanade Daarood.

Sidoo kale, Guddigu waxay booqaadinayaan ammaanka, ilbaxnimada iyo kartida ay muujiyeen bulshada martigelisay, gaar ahaa sida hufan ee ay u qabsoontay munaasabadda Caano-shubka iyo martigelinta wufuudii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top