Garoowe, Juun 25, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Mohamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee Lixda bilood ee July-December sannadka 2024.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wakiillada u soo gudbisay Miisaaniyadda Lixda bilood ee July- December 2024, taasi oo dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar).
Waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Faarax Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dawladda Sannadka ee lixxda bilood, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda 1-da July 2024, kuna eg December 31, 2024 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Axada 30/06/2024.
-DHAMMAAD-




