Garoowe, October 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta aheyd maalintii 3aad.
Waxaa Golaha warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah;
1. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
2. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda dhammaan Gobollada dalka.
Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada, kaas oo lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Follow Puntland Parliament on Telegram: https://t.me/parliamentofpl
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


