Golaha Wakiillada

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Nofeembar 3, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay 50 mudane, waxaana diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeediyeen 5 ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo gobollada dalka.

Guddiyadan oo warbixinnadooda si faahfaahsan ugu soo bandhigay waxqabadkooda iyo hawlaha ay qabteen ayaa kala ah:

1. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah – Warbixinta guddigan waxay diiradda saartay kormeerka hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada dalka, iyagoo ku dhaqmay qodobada 64-aad (farqadiisa 6-aad), 62.9-aad, iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad.

2. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah – Guddigan wuxuu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii ay ku tageen gobollada, iyagoo raacaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 62.2-aad iyo 68-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

3. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta – Warbixinta guddigan waxay ku salaysnayd kormeerkii hay’adaha Dawladda ee wada shaqeynta la leh iyo safaradii gobollada, sida uu dhigayo qodobka 64-aad (farqadiisa 6-aad) ee Dastuurka Puntland iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay kalfadhiyada 54-aad iyo 55-aad.

4. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda – Guddigani wuxuu ku soo bandhigay warbixin amniga iyo nabadgelyada, isagoo ku salaynaya shaqadii uu qabtay iyo kormeeradii uu sameeyey si loo xoojiyo xasiloonida guud ee Puntland.

5. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabadka – Guddiga wuxuu soo gudbiyay warbixin ku saabsan hawlgallada la xiriira kormeerka maaliyadda iyo dhaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo gobollada, isagoo ku dhaqmaya qodobada 63-aad, 64-aad ee Dastuurka Puntland, iyo qodobada 42.8-aad iyo 62.8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha intii u dhexeysay labada kalfadhi.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Scroll to Top